Dowladda Hoose ee Hargeysa ayaa Gubtay 130 Tan oo Alaabo Dhacay ah

0
151

Hargeysa (Dawan) Dowladda hoose ee caasimada Hargeysa ayaa gubtay boqol iyo sodon tan oo alaabooyin dhacay ah, oo ay ka soo ururiyeen meheradaha kala duwan ee magaalada Hargeysa.

Xoghayaha fulinta dowladda hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac, ayaa sheegay in 130-ka tan ee alaabooyinka wakhtigoodu dhammaaday laga soo ururiyay meheradaha iyo huteelada kuyaala degmooyinka caasimada Hargeysa, kadib markii ay howlgal sameeyeen.

Xoghayuhu waxa uu u mahadceliyay cidkasta oo dowladda hoose kala soo shaqaysay isla markaana kala qayb qaadatay sidii loo soo wareejinlaha agabka dhacay, waxaanu ku boggaadiyay hawlwadeenada dowladda hoose, ee hawlgalkaasi ka qayb qaatay.

Geesta kale agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada ee dowladda hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali, ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ka qayb qaateen dhawr iyo labaatan kooxood oo ka mida shaqaalaha dowladda hoose ee Hargeysa, kuwaas oo watay gaadiid loogu talo galay iyo ciidamada abniga sugayayn, waxaanu intaas ku daray in hadda dad ku dhaw boqol qof ay sharciga mariyeen, isla markaana ay la kulmeen ganaaxyo kala duwan, waxaanu intaas raaciyay in hawlgalkani uu sii socon doono.

Gaba’gabadii masuuliyinta dowladda hoose ee Hargeysa waxa ay bulshada ka codsadeen inay hubbiyaan cunooyinka ay cunayaan iyo daawooyinka ay qaadanayaan badqabkooda

Leave a Reply