Garsoorayaal Ka Tirsan Maxkamadda Sare oo Dacwado ugu baxay Gobollada Bari

0
152

Hargeysa (Dawan) Sideed Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa muddo 20 cisho ah u guuray, deegaanadda hoos yimaada Gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag, iyagoo bulshada ku dhaqan deegaanadaasi ugu tagaya kambalka reerka, uguna garnaqaya geedka hoostiisa.

Ujeedada safarkan shaqo ayaa daaran sidii ay Maxkamadda Sare ugu fududeyn lahayd muwaadiniinta ay dacwadahoodu u soo gudbeen Maxkamadda Sare, ee ku dhaqan deegaanadda ka fog xarunta Maxkamadda Sare.

19-kii bishan ayay kooxda koowaad ee Garsoorayaashu ka amba-baxeen magaaladda Hargeysa, si ay uga soo garnaqaan dacwadaha uga soo gudbay Gobolada bari ee dalka iyo deegaannada baaxada leh ee hoos yimaada.

Sidoo kale waxa maalintii shalay ka daba safray labadii kooxood ee kale si ay dhankooda uga soo garnaqaan dacwadaha diwaanka ugu jira ee ka soo gudbay deegaanadaasi.

Waxa xusid mudan in Maxkamadda Sare bil kasta u baxdo gobolada, halka sannadkiina ay laba jeer u guurto gobolada bari iyo kuwa galbeed ee dalka si muwaadiniinta ku dhaqan deegaanada durugsan ee dalku ay u helaan xaqa Dastuurku u jideeyay ee Garsoorka.

Maxkamadaha guurguura ayaa kaalin mug leh ka qaata fidinta adeega Garsoorka, waxaanay laf-dhabar u tahay sugidda cadaaladda, taasi oo bulshada ku abuurtay kalsooni badan.

 

 

Leave a Reply