Dunida Awood Iyo Xoog Ayaa Hogaamiya!

0
119

Dawladii Cusmaaniyiinta qarniyadii dhexe waxa ay lahayd awood ciidan oo xooggan oo dalalka Yurub ay aad uga cabsan jireen. Waayadasi Doonyaha Boqortooyada Cusmaaniyiintu marka ay soo gaadhaan Dekedaha Yurub, kiniisuduhu waxa ay joojin jireen Jalaskooda caanka ah, iyagoo ka cabsi qabay inay muslmiintu ku baraarugaan magaalaada oo dibna furtaan oo la wareegaan maamulkeeda.

 

Dawladdii Cusmaaniyiintu awoodda ciidan keliya ma ay lahayn waxa ay ku suntanayd xadaarad xeel dheer,  waxaana ka mid ah in guri kastaa uu lahaa laba albaab, mid weyn iyo mid yar. Haddii albaabka weyn  la garaaco waxa furi jiray ninka.

Haddii albaabka yar la garaacana waxa furi jirtay gabadh. Waana laba albaab oo midna dumarka gaar u ahaa, ka kalena  raggga.

 

Wakhtigaasi heshiisyada ay dawladaha Yurub la galaan Cusmaaniyiinta waxa ay ahaayeen kuwo u badnaa dhinaca nabadda iyo ilaalinta Doonyaha iyo Maraakiibta badaha marayay oo dawladda.

 

 

 

 

 

Leave a Reply