Maalin Kasta Sadqad Aad Bixin Karto!

0
137

Saxaabiga Abidar (rc) wuxu Rasuulka Allah (scw) ka weriyay inuu yidhi xadiiskan “ Xubin kasta oo waagu u beryo waxa dusheeda ah sadaqo, subxaan Allah kastaa waa sadaqo, wanaag kasta oo la is faro waa sadaqo, xumaan kasta oo la iska reebaana waa sadaqo, waxaas oo dhan waxa bedel ka noqon kara laba rakcadood oo la tukado barqada (Duxa)”. (Kitaabka Sexeexul Muslim).

Abu-hurayra (rc) waxa ka sugnaaday inuu yidhi “ Nebiga (scw) oo ah kii aan jeclaa ayaa ii dardaarmay inaan soomo 3 maalmood, inaan tukado laba rakcadood ee barqada (Duxaha) iyo inaan tukado witirka inta aanan seexan” Werin Bukhaari iyo Muslim

Leave a Reply