Mdaxda Qaranka oo Bulshada ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuul Cismaan Axmed

0
123

 

Hargeysa(Dawan):- Madaxda Qaranka ayaa bulshada Somaliland ka tacsiyeeyay ALLE ha u naxariistee Geerida Marxuum Cismaan Axmed Xasan oo shalay gu geeriyooday Hargeysa.

 

 

Qoraal ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Madaxweynaha Somaliland uu kaga hadlay Geeida Marxuum Cismaan Axmed Xasan,ayaa u dhignaa sidan. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, qoyskii iyo ehellada, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 28/05/2023, Magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday rug-cadaa ah oo kana mid ahaa halgamayaashii Qaranka Somaliland ee ay ku duugnayd taariikhda Dalkan Somaliland, isagoo ahaa badhasaabkii ugu horeeyay ee Somaliland “British Somaliland protectorate” xilka kala wareega badhasaabkii Maxmiyadii Ingiriiska, 26 June 1960-kii markii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska, waxaanu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii burburtay ee la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya, isagoo qayb weyn ka soo qaatay markii danbe halgankii SNM oo uu ahaa muddo gudoomiyihii xafiiskii ay ku lahayd London, isagoo markii danbena ahaa wakiilkii Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Ingiriiska, xiligii Xukuumaddii AHU Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

 

 

 

Dhinaca kale Madaxweynahii hore Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Qoyskiisa, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qoyskii, Qaraabadii, Waayeelka, Waxgaradka, shacabka Somaliland, & Ummada Islaamka ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole) oo 28/05/2023, galabnimadii shalay   ku geeriyooday caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Md Axmed Siilanyo ayaa marxuumka Cismaan ku sifeeyey Waxgarad ku sifoobay nabada, door muhiimana ka soo qaatay, nabadayntii iyo dib u dhiskii waddanka.

Waxaanu marxuumka Ilaahay SW uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Waxgaradka, Waayeelka, Shacabka Somaliland & Ummada Islaamka ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo, aamiin…aamiin…

 

 

Leave a Reply