Xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo Degaano aan Laydh lahayn ka hirgeliyay Laydhka Tamarta Qodaxda

0
183

Salaxley (Dawan) Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax, oo ka mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa Laydhka Tamarta Cadceeda ka hirgeliyay   Magaalooyin ka tirsan degmooyinka  Daroor, Sallaxley iyo Xaaji Cabdi Xuseen.

Magaalooyinka uu xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax ka dhagax-dhigey banaamijka iftiiminta iyo daarista Ilayska qoraxda ku shaqeeya waxaa ka mid ah, Toon, Dhimbiriyaale, Hunduli, Laanqaynta Qool-dhuxulaale, Sanqoole, Kaam Iidle, Abokor, Gaashaanka iyo Aadan Waraabe.

Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax ayaa sheegay in mashruucan iftiimintu uu ka hirgeli doono 45 magaalo oo ka tirsan degmooyinka   Sallaxley, Daroor, Xaaji Cabdi Xuseen iyo Bali-mataan, waxaanu ballanqaaday in uu siiwadi doono horumarinta adeegyada bulshada.

Bulshada degaanadaasi ku nool ayaa xildhibaanka uga mahadceliyay hirgelinta Laydhka ku shaqeeya tamarta qoraxda, waxaanay xuseen in ay baahi weyn  uqabeen, waxaanay intaas ku dareen  in uu xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax yahay mudane la dareena bulshadiisa.

 

Leave a Reply