Xisbiga KULMIYE oo Bulshada Farriin u Diray

0
170

Hargeysa(Dawan):-Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayaa  guud ahaan bulshada Somaliland ugu baaqay in ay qaataan kaadhka codbiyaha dadkii la diiwaan geliyay, iyadoo qaybinta kaadhka codbixiyaha ay dalka ka bilaabayaan gudida doorashooyinka qaranku .

 

 

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi  Xuseen Axmed  Cabdidheere,ayaa sheegay in heegay in ay  tahay xuquuq qofku  leeyahay in uu qaato Kaadhka Diwaangalinta
Codbixiyeyaasha,isla,markaana muhiim u tahay dalka kaadh  qaadashadu.
waxaanu,yidhi”Waxaan  fariin u dirayaa  Shacabka Somaliland ee Gobolada dalka,waa  xuquuq qof ku  leeyahay in uu qaato  Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha.markaa waxa aan usoo jeedinayaa  shacabka Somaliland gaar  ahaan taageereyaasha Xisbiga Kulmiye meel kasta oo ay joogaan  waa in ay qaataan  Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha intii  isdiwaangalisay,waxaanay kaadh qaybintu dalka ka bilaabmaysaa 31 bishan  May gaar ahaan Gobolada Awdal  Saaxil iyo Sanaag.markaa  waa in loo  diyaargaroobo sidii kaadhadhka loo  qaadan  lahaa waxaanay muhiim  u tahay kaadhqaadashadu  dalka,”.

Sidoo  kale Axmed Cabdidheere ayaa waxa uu tilmaamay in la  qaban  doono Doorashadii Ururada Siyaasada iyo  Axsaabta iyo doorashadii Madaxweynaha”Waxa inagu  soo  fool leh doorashadii Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta qaranka  iyo Doorashadii Madaxweynaha,waxaan halkan ka hambalyaynayaa  Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadiisa  oo  hore  u  qabtay doorashooyinkii  Golaha Wakiilada iyo  Goleyaasha Deegaanka oo si  wanaagsan inoogu  qabsoontay.waxa  kale  oo si wanaagsan inoogu  dhacaday kala  reebistii  Ururada Siyaasada  iyo Diwaangalinta Codbixiyayaasha oo aanay jirin cid inaga caawisay  oo dalka laga  qabtay,”.ayuu yidhi  Axmed Cabdidheere.

 

Leave a Reply