Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Kormeer ku tegay Sayladda Xoolaha Burco

0
148

Burco (Dawan) Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Somaliland   Siciid Sulub Maxamed iyo agaasimaha waaxda caafimaadinta xoolaha  Dr. Cabdiqani Xaamud iyo maamulaha Saylada Burco Dr. Cabdirisaaq Ibraahin Buraale, ayaa kormeeray Saylada xoolaha ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Ujeedada kormeerka ayaa salka ku haysay madaama ay dhawaan bilaabmayaan dhoofka xooluhu, in ay masuuliyiintani u kuurgalaan tallaaladii iyo nafaqayntii muddooyinkii udambeeyey ay la siinayay xoolaha ku nool gobollada iyo degmooyinka bariga Somaliland  sida ay ufuleen, maadama inta badan xoolaha lagu kala iibsado Saylada xoolaha ee magaalada Burco ay ka yimaadaan gobollada bari ee Somaliland.

Sidoo kale waxa wasiirka warbixin ka siiyay xaalada xoolaha dhakhaatiirtii muddooyinkii u danbeeyay ku hawlaneyd daaweynta iyo nafaqaynta xoolaha, waxaaney sheegeen in ay gacanta ku hayaan daaweynta iyo badqabka xoolaha nool ee Somaliland u ah isha dhaqaale.

Wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Somaliland ayaa bilihi u danbeeyay ku hawlaneyd ka warhaynta badqabka xoolaha iyo sidii looga hortagilaha xannuunada xoolaha ku dhaca ee sababa nafaqa daradda.’

Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa balanqaaday in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay markasta daaweynta iyo caafimaadinta xoolaha maadama lafdhabarta dhaqaale ee dalku yahay xoolaha nool.

Leave a Reply