Ciidanka Booliska ee Magaalada Borama oo soo Qabtay Maandooriyayaal kala Duwan

0
225

Hargeysa (Dawan) Ciidanka booliska ee magaalada Borama ayaa gacanta ku dhigey Maandooriyayaal kala duwan oo isugu jira Khamri iyo Xashiishad iyo Irbadaha Maanka dooriya ee la isku muddo.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal, Gaashaanle sarre Cabdikhayre Arraweelo, oo ay wehelinayaan taliye ku xigeenka qaybta booliska iyo    taliyaha hawlgalinta qaybta gobolka Awdal,  ayaa sheegay inay soo qabteen Maandooriyayaal isugu jira  Khamri iyo Xashiishad, waxaanu xusay in ay maanta u dheertahay in Maandooriyayaasha ay qabteen ay ku jirto Irbada la isku muddo ee maanka doorisa, waxaanu tilmaamay in ay tahay sumcad xumo iyo bahdil lagu sameynayo bulshada gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Borama.

Taliye Arraweelo waxa uu caddeeyay in Maandooriyayaashan lagu soo qabtay saddex eedaysane oo isticmaalayay iyo haweenay iyada oo ka ganacsanaysa ciidanku gurigeeda ka soo qabteen.

Geesta kale waxa uu bulshada magaalada Borama ka codsaday in ay iska hubbiyaan cidda ay ka kiraynayaan guryahooda, hawsha ay qabtaan waxa ay tahay, waxaanu faray in ay ciidamada booliska kala shaqeeyaan ka hortaga Mukhaadaraadka iyo wixii nabadgelyada waxyeelaya.

Gaba’gabadii waxa uu sheegay in maxkamadd la gayn doono cidkasta oo ay ku caddaato in ay magaalada soo galiyaan waxyaabaha maanka dooriya, waxaanu bulshada ku wargeliyay inay ka waantoobaan, wixii abniga iyo nabadgelyada wax u dhimaya, isla markaana dib u dhigaya mustaqbalka bulshada ee ay ugu horeeyaan Mukhaadaraadku

Leave a Reply