Kaadhqaadashada Kaadhadhka Codbixiyaasha Muwaadiniinta oo ka bilaabantay 3 Gobol

0
322

Hargeysa (Dawan)   Waxaa shalay si rasmi ah uga bilaabantay Gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag Kaadh qaatashada muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay kaga qayb geliyaan Doorashooyinka soo socda.

Guud ahaan nidaamka Kaadh qaybinta ee ay maamulayaan ama Hogaaminayaan Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa ku socota ama bilaamantay si nabadgelyo iyo habsami socod aan dib u dhac-lahayn, iyadoo Ciidamada kala duwan ee amniga ay sugayaan nabadgelada guud iyo ta goobaha Kaadh qaybintaba.

Waxay shacabka ku boorinaysaa wasaaradda arrimaha gudaha JSL, in ay qaataan kaadhka codbixinta, taasoo ah xuquuq ay leeyihiin muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana waajib in aad ilaalisaan nidaamka, kala danbaynta, idinka oo la shaqaynaya  Ciidamada amniga iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Geesta kale Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Muuse Xasan Yuusuf ayaa sheegay in tirada guud ee isdiiwaangelisay amase loo bedelay goobtii ay ka codayn lahaayeen ay dhan tahay ( Saddex boqol, Todoba iyo Sideetan kun, Lix boqol iyo afar iyo todobaatan qof dalka oo dhan).

Wuxuu Guddoomiyuhu ka codsaday Shacabka ku nool saddexda gobol ee ay shalay hawsha kaadh qaybintu ka bilaabantay inay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ku gacan siiyaan fulinta hawlgalkan isla markaana uu qof kastaa oo is diiwaan-geliyey doonto kaadhkiisi codbixinta waxaa kale oo Guddoomiyuhu ka dalbaday hawl-wadeenada ka qayb qaadanaya kaadh qaybintu ay si waddaniyad leh hawshaasi qaran u soo fuliyaan

Leave a Reply