Lula oo midnimo ugu baaqay wadamada Koonfurta Ameerika

0
230

Madaxweynaha Brazil Luiz Inácio Lula da Silva ayaa ku baaqay midnimada Koonfurta Ameerika Salaasadii isaga oo ku soo dhaweeyay hogaamiyaasha Koonfurta Amerika waxa uu ugu yeedhay “dib u noqoshada” si loo xoojiyo xidhiidhka gobolka halkaas oo dowladaha garabka bidix ay isugu soo noqdeen qaab cusub.

Kow iyo toban ka mid ah 12-ka madax ee qaaradda – oo uu ku jiro madaxweyne Alberto Fernández oo Argentina ah – ayaa ka qaybgalay shir madaxeedka Brasília, oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah muddo toban sano ah, kaas oo Lula uu sheegay in uu bogga cusub furay xilli kala qaybsanaani jirtay.

“Waxaan u ogolaanay inay na kala qaybiyaan oo ay carqaladeeyaan dadaalladayadii aan ku doonaynay inaan is-dhex-galno, waxaan ka tagnay jidkeennii wada-hadallada iyo hannaan-wada-shaqeyneed, dhammaanteenna waan ku guul-darreysannay arrintaas awgeed,” ayuu khudbadiisii furitaanka ku yidhi ruug-caddaaga garabka bidix, oo xukunka ku soo laabtay bishii January kaddib markii uu ka adkaaday madaxweynihii garabka midig ee hore. Jair Bolsonaro (2019-2022).

77-jirkan oo hore hogaamiye uga soo noqday Brazil 2003 ilaa 2010, ayaa sheegay in madaxweynihii ka horreeyay uu si dhow ula midoobay madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump  isla markaana uu albaabadayada ka xidhay saaxiibo taariikhi ah qaarkoodna godoomiyey.”

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa xubnihii madaxweyneyaashii dhawaan la doortay ee garabka bidix Gabriel Boric oo Chile ah iyo Gustavo Petro oo Colombia ah.

“Laatiin Ameerika waa inay ciyaaraan door midaysan oo ay yeeshaan cod midaysan,” ayuu yidhi Petro oo Colombia ah markii uu soo gaadhay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Brazil oo uu kulanka ka dhacayay.

Madaxa kaliya ee Koonfur Ameerika ka maqan waa madaxweynaha Peruvian Dina Boluarte, oo uu matalay madaxa golaha wasiirada Alberto Otarola.

 

Kani waa shir madaxeedkii ugu horeeyay ee hogaamiyayaasha gobolka tan iyo 2014 oo ay ku shireen Quito oo Ecuador ah. Isbahaysigan oo loo yaqaano UNASUR, waa urur qaaradeed la bilaabay 2008, waxaana bilaabay Lula iyo madaxweynihii hore ee Venezuela Hugo Chavez.  Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa ku cusbaa shirka waana la soo dhoweeyey.”Tani waxay calaamad u tahay bilawga soo noqoshada Maduro” ee masraxa gobolka, ayuu Lula yidhi.

 

Leave a Reply