70 sano ayaa laga joogaa markii ugu horeysay ee dadku fuuleen buurta Everest

0
152

Toddobaatan sano ka hor, Edmund Hillary oo New Zealand u dhashay iyo Nepali Tenzing Norgay Sherpa waxay noqdeen bini’aadmigii ugu horreeyay ee gaadha figta ama dusha ugu saraysa ee buurta adduunka ugu dheer ee Everest May 29, 1953.

Warbaahinta Ingiriisku wuxuu labada nin ka dhigay kuwo magaacyadoodu galeen guri kasta waxaanay wax ka bedeleen taariikhdii buuro korista.

Boqolaal qof ayaa hadda sanad kasta gaadha 8,849-mitir (29,032-foot) oo ah buurta Everest dusheeda, waxaanay walaaca cidhiidh iyo wasakhow ku keentay buurta. Sida ay u dhaba gashay AFP.

Markii hore khariirado British ah ayaa muujin jiray buurtan, laakiin waxaa loo aqoonsaday inay tahay meesha ugu sareysa aduunka 1850-meeyadii , sanadkii 1865-kiina waxa loogu magac daray Sir George Everest, oo ahaa Sahanka Guud oo Hindiya sahamiya.

Xuduudka Nepal iyo Shiinaha waxay buurtani ku leedahay labada dhinac oo laga fuulo, waxaa loo yaqaan Chomolungma ama Qomolangma, waxaanay ku kala yaaliin Sherpa oo Nepal ah iyo Tibetan oo Shiinuhu sheegto . Tibet waxa buurta looga yaqaan “Hooyada ilaahadda adduunka” –sidoo kale Nepali waxa loo yaqaan Sagarmatha, oo macnaheedu yahay “Figta cirka sare.”

 

Safarkii 1953 kii wuxuu ahaa isku daygii sagaalaad ee lagu fuulayo buurta, waxaana muuqata in xilligaas iyo wixii ka horeeyeyba ay aad u adkayd in la koro. muddo 20 sano ahna 600 oo qof ee ugu horeeya ayaa fuulay. Wakhtigan la joogo tiradaas waxaa la filan karaa hal xilli, iyada oo fuulayaasha ay la shaqeeyaan hagayaasha khibradda leh iyo shirkadaha dalxiiska.

Socdaalkii dadka ayaa wax laga beddelay, waxa la dhisay saldhig iyo garoon yar oo buurta ah sanadkii1964-kii magaalada Lukla.

Saldhigaasi wuxuu fududeeyey, sahayda oksijiinta oo si diyaar ah looga heli karo, aaladaha raadraaca iyo waxyaabaha kale ee ka dhigaya safarada kkuwo badbaado leh. Maantana waxa loo yeedhi karaan helikobtar haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah.

Xilli kasta, hagayaal Nepali ah oo waayo-arag ah ayaa dejinaya dariiqa ilaa halka ugu saraysa kuwaas oo shaqo abuur ay u noqotay.

Goobtan saldhiga ah oo lagu magacaabo Everest Base Camp  waxay ahayd xero yar oo 5,364 mitir (17,598 fuudh) ah, halkaas oo fuulayaashu ay Teendhooyinka ka dhisan jireen cuntooyin oo kooban oo qasacadaysana ay ku cuni jireen.

Maanta khudaar fresh ah, badeecooyin la dubay iyo qaxwe casri ah ayaa diyaar ah, iyo weliba wada sheekaysi oo taleefannada dayax-gacmeedka ee waaweyn ah oo xitaa qoraallada Instagram kuu fulin kara.

Saamaynta isbeddelka cimillada ayaa isbeddel ka muuqdaa marka la eego hadda iyo wakhtiyadii hore. Buurta dusheedu waxay ahaan jirtay Baraf, laakiin hadda Heerkulka kulaylka oo si tartiib tartiib ah u ballaadhanaya ayaa keenaya Baraf dhalaalaya kaas isuguba dhibaato keenaya.

Daraasad sanadkii 2018 lagu sameeyay Baraf Everest  inuu khatar yahay, mustaqbalkana sii badanayo.

Saddex hagayaal reer Nepali ah ayaa ku dhintay markii baraf weyn oo soo dhacay uu xaadhay god dheer oo ay ku jireen.

Diiwaanka dadka ugu badan ee fuulay waxa ugu horeeya laba Halyeey oo reer Nepali Kami Rita Sherpa iyo Pasang Dawa Sherpa kuwaas oo dadkana haga labadooduba ku dhowaad sanad kasta way fuulaan tan intii ay bilaabeen. Kami Rita oo haysta Rikoodhka ugu badan waxa uu gaadhay figta buurta 28 jeer.

Hadii aynu eegno dadka isku dayay in ay koraan Tan iyo 1953, in ka badan 6,000 oo qof ayaa isku dayay inay ku kulmaan Buurta Everest, ugu yaraan 310 qof ayaa ku dhintay buurta, sida laga soo xigtay bogga internetka ee Everett Base Camp Trek.

Leave a Reply