Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Ka Warbixiyay Safar Shaqo Oo Uu Ku Soo Maray Wadamo Ka Tirsan Qaaradda Yurub

0
394

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo weftigii uu hoggaaminayay oo safar shaqo ugu maqnaa qaar ka mid ah dalalka qaarada Yurub, ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Weftiga madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa markii uu ka soo degay garroonka diyaarradaha Hargaysa, waxaa halkaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin, iyo dadweyne fara badan.

Cabdiraxmaan Saylici, oo markii uu garoonka ka soo degay warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay safarkaasi uu ku soo maray wadamo ka tirsan qaaraddda Yurub, iyo shirarkii uu ka qayb galay, iyo madaxdii uu kulamadda la yeeshay.

“Waxaan ku horraynay dalka Holland, oo laba shir oo qiimo badani ay is dabayaaleen. Waxaanan halkaa kaga qayb galay shir ay isugu yimaadeen dhamaanba jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool Yurub.

Waxaan u gudubnay Findland, iyadna si qiimo badan ayaa na loogu soo dhaweeyay. Madax iyo wasaaradda Arrimaha dibadda dalkaasina waan la kulanay.

Waxaanan ku soo danbaynay dalka Belgium, oo isna si aad u qiimo badan la noogu soo dhaweeyay”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

 

Leave a Reply