Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo loo Furey Tababar ku Saabsan Dastuurka & Waddaniyadda

0
183

Hargeysa(Dawan):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee Amniga Wasaaradda Arimaha Ibraahim Cali Ismaciil, ayaa u furey shaqaale waynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Tababar ku Saabsan Dastuurka iyo Waddaniyadda .

Waxana ugu horeyn munaasibadaas ka hadashay Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland iyadoo Shaqaale waynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ugu baaqday in ay ka faa’idaystaan tababarkaas mudada uu socdo .

Dhanka kale waxa munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Amniga Wasaaradda Arimaha Ibraahim Cali Ismaaciil ,waxaanu Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland uga mahadnaqay tababarka ku saabsan Dastuurka iyo Waddaniyadda.

 

Leave a Reply