Kani Waa Hadalkii Ugu Fiicnaa Ee Aan Maqlo!

0
239

Ciyaar yahan caan ah ayaa markii uu ku guulaystay kubbada Golfka  waxa loo dhiibay jeeg abaal marin ah oo lacagtii ku qoran tahay. Markii wuu baxay si uu xaruntii naadigiisa u tago, laakiin markii uu gaadhigiis koray gabadh dhalinyaro ah ayaa ku hamblayaysay guushiisa waxase ay ka codsatay inuu caawiyo, madaama ay haysato wiil yar oo buka oo aanay u hayan xataa lacagtii tigidhka dhakhatarka. Aad ayay u raadaysay baryadaasi, wuxuuna soo saaray jeegii la siiyay gebi ahaantiisa, waxaana uu gacanta ka geliyay gabadhi.

Wuxu ku yidhi waxaan rajaynaya aan adiga iyo wiilkaga yari si fiican idiinku filaato.  Maalmo ka dib ayuu ciyaar yahanku ku noqday xaruntii naadiga isagoo ka qaydanaya huteelka naadiga ayuu nin shaqaalaha huteelka Golafka ka mid ahi oo ay saaxib yihiin ku yidhi :”Markii aad jeeg qaadatay todobaadkii hore soo gabadh gaashanti ahi kumay baryin?. Ciyaartowga ayaa yidhi Haa.  Waxaan ku sheegaya gabadhani ilma yari kama abuko , caruurna malaha, weligeedba lama guursan, xoolaha ayay kaa dhacaday ee raadso!.

Ciyaartowgii ayaa ku yidhi :” Miyaanu jirin wiil ka xanuunsanayan? Shaqaalaha ayaa yidhi ma jiro.  Ciyaartowg aya ku jawaabay : “Hadalkii iigu wanaagsana ee aan maqlaa todobaadkan waa kaasi!. Anigu waxaan ku bixiyay wiil buka, sidii ayay ii tahay , maaha inaan ka daba tago. Xikmaduna waa “ Wixii aad bixisay ee niyad wanagsan ku bixisay weligaa haka werwerin”

Leave a Reply