Aqoontii Gaabnayd ee Dhakhtarada Caalamka!

0
144

Qarnigii 19 aad cilmiga caafimaadku aad ayuu koobnaa waxaana  badnaa khurafaadka iyo in xanuunada laga aaminsana inay jiman iyo shayaadiin keenaan. Yurub goobo caafimaad oo kala duwan ayay iska furan jireen dad ku shaqaysanaya oon aqoon caafimaad lahayn, Waxa kale oo jiray shirkado samaynayay dawooyin ay sheegeen inay caafimaadka wax ka taraan. Waxaana ka mid ah daawooyin la siin jiray caruurta hurdadu ku yaraato.

Dawooyinkaasi suuq weyn ayay heleen sebenkaasi. Waxaana la ogaaday wakhti danbe inay ka kooban yihiin daroogada Morphine iyo maandooriye kale.  Iyagoo sababay inay burburiyaan unugyada maskaxda ee carruurta.

Waxa kale oo wakhtigaasi jiray in bukaanada uu ku dhaco xanuunka macaanku lagu dawayn jiray goobo cilaajyo ah kuwaasi oo siin jiray jimcsiyo kala dawan oo adag isla markaana fari jiray inay fadhiistaan cadceeda mudoo dheer.  Arintan ayaa iyana keentay in bukaano badani ay u dhintaan dawaynta aan cilmiga ku dhisnayn.

Leave a Reply