Buuraha Cajiibka ah ee Baraasiil

0
228

Dunidan aynu ku noolahay weli waxa jira goobo badan oo weli ay ku wareersan yihiin cilmi baadhayaashu. Deegaanadan ay ah kuwo aan la garanayn isla markaana aanay cadayn arimaha ka dhacaya waxa sababaya. Waxaana goobahaasi ka mid ah buurta magnetka ee dalka Barasiil:

 

Deeganakni waa mid aad caan u ah, waxaana jira daraasado badan oo laga sameeyay sanadkii 1982, waxaana ugu muhiimsan warbixin lagu daabacay wargeyska The Guardian ee Ingiriiska, taasi oo sheegtay  in deegaanka baabuurtu iyagoon istaadhnayn isla markaana aan la riixayn ay fantaan buurta oo ay iyadu soo jiidato. Taasi oo ka hor timi cilmiga aadamigu ka bartay Fisigiska.

Waxaana goobtan loo yaqaanaa waddada pistachio iyadoo loogu bixiyay magacaasi markii la qeexi kari waayay sababta soo jiidashada iyo waxa ka dhacaya deegaanka.

Laakiin waxa keliya ee buurtasi laga ogyahay ee cad ayaa ah in waxa kasta ay soo jiidato. Ilaa wakhtigan waa halxidhaale aan weli si cilmi ah loo cadayn. Iyadoo dadka qaarna ay aaminsan yihiin inay tahay goobo ay degan yihiin Ummado kale iyo buuraha shayaadiinta.

Deegaankan buuralayda dalka Asarbajan ayaa isagana waxa ka dhacaya cilmi baadhayaashu weli fasiraad cilmi ah aanay siin.    Sanadkii 1988 ayuu weriye goobtaasi tegay isagoo gaadhi wata, ilaa uu gaadhay harada lagu magacaabo Jake Jake. Markii uu goobtasi uu gaadhay gaadhiga waxa ka galay cillad ka dib markii uu gaadhigii xawaare aanu isagu xukumayn ku socday isla markaana biriigii u qaban waayay. Weriyaha Waxa ku dhacay naxdin laakiin isagoon haddan meelna taabin ayuu baabuurka si kedis ah isu taagay. Ilaa maanta lama fahmin sababta deegaankani ay uga jirto qiso noocan oo ka dhacday xataa baabuur xamuul ah. Waxana ay noqdeen arimo wakhtiyo kala duwan dhacay oo aan weli fasir cilmi ah loo helin.

 

 

Leave a Reply