Maxay tareennada Hindiya uga baxaan waddooyinka

0
429

Waxaa jira su’aalo badan oo aan laga jawaabin oo ku saabsan waxa dhabta ah ee sababay shil tareen oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Hindiya fiidnimadii Jimcaha kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 288 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 800.

Shil saddex geesood ah ayaa ka dhacay meel u dhow xarun yar oo ku taal bariga gobolka Odisha, sida ay wararku sheegayaan. Waxa ku lug lahaa laba tareen oo rakaab ah iyo tmid xamuul ah. Sida wararku sheegayaanTareenka xamuulka qaada oo taagan waxa ku dhacay tareen kale, ka dibna qaybo ka mid ah tareenka taagnaa ayaa ku rogmay wado kale, taas oo keentay in tareen kale oo soo galay uu leexiyo tareenkii sidaana uu ku rogmado. Warbixin horudhac ah ayaa tilmaamaysa in shilku uu ka dhashay cillado ka yimi Tareenada.

Baadhitaan dhamaystiran keliya ayaa keeni kara daaha ka qaadida runta ka dambeysa dhacdada. Laakiin shilkani waxa uu mar kale kicisay walaacyo cusub oo ku saabsan badbaadada tareenada Hindiya.

Nidaamka tareenada Hindiya – waa mid ka mid ah kuwa ugu weyn adduunka – waxa qiyaastii raaca 25 milyan oo rakaab ah maalin kasta oo isticmaala shabakadaha ama Maxdadada tareennada ee waddanka oo dhan kuwasa oo dhererkeedu yahay in ka badan 100,000km (62,000 mayl). Ilaa 5,200km oo waddooyin cusub ah ayaa la dhigay sannadkii hore, sida uu sheegay wasiirka tareenada Ashwini Vaishnaw. Sidoo kale 8,000km oo ah kuwa laamiyada ah ayaa sidoo kale la cusboonaysiinayay sanad walba, ayuu yidhi wasiirku.

Haddana iyada oo ay sidaa tahay waxa dhacaya shilalkii.

Warbixinta badbaadada tareenada ee dawladda ee 2019-20 ayaa lagu ogaaday in khadadka leexsan ay mas’uul ka yihiin  boqolkiiba70% shilalka tareenada, marka loo eego 68% sannadkii hore. (Dabka tareenka iyo shilalka ayaa yimid, kuwaas oo ka mas’uul ah 14% iyo 8% wadarta shilalka siday u kala horreeyaan).

Warbixintu waxay tirisay 40 khalad oo ay ku lug lahaayeen 33 tareeno rakaab ah iyo todoba tareen oo xamuul ah inta lagu jiro sanadkii dib u eegista lagu samaynayo. 40-kaa shil waxa ku jiray17 ka mid ah oo ay sababeen “khaladaadka” leexashada sababo wadooyinka ah ah.

Sagaal dhacdo oo kali ah ayey sababeen cilladaha matoorada tareenada iyo wadayaashasa – sida lagu sheegay warbixinta. Waxa kale oo shilalka qayb ka ah waxyaabaha soo dhex gala socodka Tareenka sida Xoolaha, dadka iyo waxyaabo la dhigo.

Waxaa jiray hadal hayn badan oo ku saabsan qalabka ka hortagga isku dhaca in lagu rakibo tareenada Hindiya, laakiin nidaamka hadda waxaa lagu rakibay oo keliya laba waddo oo waaweyn – inta u dhaxaysa Delhi iyo Kolkata iyo inta u dhaxaysa Delhi iyo Mumbai – sida uu sheegay sarkaal ka tirsan tareennada. Sidoo kale ma cadda sida nidaamkan oo kale uu u caawin lahaa haddii ay dhacdo in uu dhaco shil uu  wadada ka baxay ama shil kama ah.

Warbixin wakhti hore ah ayaa sheegtay in maamulka tareenada ay ka walaacsan yihiin shilalka sii kordhaya, waxayna ka codsadeen maareeyahoodii sare “inay si qoto dheer u falanqeeyaan saacadaha dheer ee shaqada ee shaqaalaha gaar ahaan Bariga Xeebta Tareenka iyo Koonfurta Bari ee Bartamaha Tareenka, oo ay qaadaan tallaabo sax ah oo degdeg ah”. Shilka fiidnimadii Jimcaha ayaa ka dhacay aagga mashquulka badan ee Jidka Tareennada ee Xeebta Bari.

Leave a Reply