Wasiirka Difaaca Shiinaha Oo Ka Hadlay Shirka Amniga Ee Aasiya

0
185

Wasiirka difaaca Shiinaha ayaa Axadii sheegay in ay adduunka ku noqon doonto masiibo aan loo dulqaadan karin  haddii Maraykanka iyo Shiinaha ay isku dhacaan.

Li Shangfu, oo ku labisan dareyska ciidamada, ayaa Axaddii ka hadlay shirka Shangri-La Dialogue, oo ah shir-madaxeedka amniga Aasiya, ee Singapore.

Waxa uu sheegay in Shiinaha iyo Maraykanku ay leeyihiin “nidaamyo kala duwan oo ay ku kala duwan yihiin siyaabo kale oo badan,” laakiin waxa uu intaa ku daray in kala duwanaanshuhu aanu ka hor istaagayn inay helaan “dano guud iyo danaha maslaxadooda si ay u abuuraan xidhiidh laba geesoodka ah iyo iskaashi qoto dheer.”

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo ka hadlay shir madaxeedka Sabtidii ayaa ku dhiirigeliyay Shiinaha inay sii furnaadaan khadka wada hadalka ee labada dal.

Li wuu diiday codsiyadii Austin ee ahaa in ay ku kulmaan shirwaynaha. Laakiin, labadooduba waa ay isku gacan qaadeen shir-madaxeedka Jimcihii. Pentagon-ka ayaa sheegay in labada wasiir difaaca aanay lahayn “wax laysku salaami waayo, inkasta oo muuqdo khilaafkoodu.

Austin ayaa sheegay in xidhiidhka socda ee u dhexeeya waddamadu uu yahay mid lama huraan ah si looga fogaado xisaab-xumo keeni karta isku dhac.

“Ma raadineyno isku dhac ama iska hor imaad,” Austin ayaa ku yidhi ciwaankiisa shirka. “Laakiin kama aan leexan doono wejiga cagajuglaynta ama awooda ah,” ayuu raaciyay.

Waxaa jira dhowr arrimood oo Maaykanka iyo Shiinaha aanay ku heshiin, waxaana ka mid ah muranka dhuleed ee ku saabsan badda Koonfurta Shiinaha iyo buufinkii la sheegay in basaas ahaa oo ay soo rideen diyaarad dagaal oo Maraykan ah ka dib markii buufinku uu dul sabbeeyay Maraykanka.

Waxaa laga yaabaa in tan ugu dhibka badan ay tahay arrinta Taiwan oo Shiinuhu ku andacoonayo in ay dhul weynihiisa ka mid tahay oo uu doonayo in uu maamulkiisa hoos keeno. Shiinuhu waxa uu si badheedh ah ula dhaqmay talaabooyinka ka dhanka ah Taiwan, isaga oo dhigay xaalad u ekaan karta duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Sabtidii, Maraykanka iyo Kanada ayaa kor u qiaaday xaalada Tawian, waxaanay sameeyeen isku-dhaf naadir ah oo ay maraakiibtoodu ku mareen marin biyoodka Taiwan.

Socdaalkan laba geesoodka ah, ayaa lagu sheegay inuu yahay mid muujineysaa sida ay uga go’an tahay Maraykanka iyo xulafadayada iyo saaxiibadayada indo-Pacific si xor ah ku maraan. Shiinaha ayaa sheegay in ay la socdaan socodka maraakiibta.

Leave a Reply