Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Hor Tegay Golaha Guurtidda

0
210

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi, ayaa shalay hor tegay fadhigii golaha Guurtidda JSL.

Fadhigii shalay oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowad ee golaha Guurtidda Somaliland Siciid Jaamac Cali, ayaa xildhibaanadu waxay wasiirka ku waydiiyeen su’aallo kala duwan.

Wasiir Xasan Gaafaadhi, oo ka hor inta aanay mudaneyaashu su’aalaha waydiinin golaha warbixin u jeediyay ayaa ka waramay waxyaabaha ay wasaararudu qaranka u qaabilsan tahay, iyo qorsheyaasheedda horumarineed, iyo meelaha u baahan in wax laga qabto.

isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa hu yidhi, “Wasaaradda caafimaadku waxay qaranka u qaabilsan tahay, in ay bulshadda gaadhsiiso addeeg caafimaad oo tayo leh.

Intii awoodda wasaaradu ay karto, iyadoo laga duulayo taa, wasaaradu waxay dedaal badan gelisay, in ay si weyn wax uga bedesho goobaha caafimaadka. Caafimaadku laba ayuu u qaybsan yahay, mid waa caafimaadka sare ka loo yaqaano, oo ay ku jiraan cusbitaaladu.

Waxaa shaqeeya cusbitaaladda goboladda dalka oo dhan. Inkastoo uu maanta inaga hakaday cusbitaalkiii magaaladda Laascaanood, isagoo ku jiray cusbitaaladda meesha wanaagsan marayay. Cusbitaaladda goboladda kale way shaqaynayaan, degmooyin badan na cusbitaaladoodu way shaqaynayaan”.

Geesta kale wasiirka caafimaadka Somaliland waxa uu ka warbixiyay addeegyadda caafimaad ee ay bixiyaan cusbitaaladda goboladda dalku.

“Caafimaadka sare ee (secondary level) ka loo yaqaano, cusbitaaladu waxay gaadhayaan ilaa afartan, heer gobol, iyo heer degma ba, si fiican ayaanay u shaqaynayaan. Dhamaanba addeegyadda ka baxa cusbitaaladaasi, waxaa fuliya wasaaradda Caafimaadka JSL. Waxaanay ka baxdaa miisaaniyadda qaranka. Waxyaabo koob-kooban oo ka yimaadda haayadaha maahane, waxay ku shaqeeyaan miisaaniyadda qaranka.

Dhamaanba cusbitaaladda dalka shaqooyin baa laga hayaa, kala duwan. Dhamaantood na Qaliinno, ayaa laga sameeyaa” ayuu yidhi wasiir Xasan Gaafaadhi.

 

 

Leave a Reply