Dhisme Cusub oo loo Bineeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex oo Xadhiga laga Jaray

0
223

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray dhisme casriya oo loo bineeyay Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex.

Munaasibada loo qabtay xadhiga ka jarka dhismaha cusub ee loo dhisay Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodijeex, waxa ka soo qaybgalay, wasiirka cadaaladda, guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex, taliyaha ciidanka asluubta, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, xeer ilaaliyaha guud, taliye ku xigeenka ciidanka booliska, hay’addaha diwladda iyo kuwa madaxa bannaan iyo kiwa caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin, mudan iyo marti sharaf kale.

Khudbado dhinacyo badan taabanaya ayaa laga jeediyay furitaankii dhismahan, waxaaney sheegeen in baahi weyn loo qabay helitaanka dhisma casriya, maadama inta badan Maxkamadaha dalku ku jiraan dhismayaal kuwii hore ah.

Sidoo kale waxa mahadnaq balaadhan loojeediyay cidkasta oo gacan ka gaysatay hirgelinta dhismahan, waxaanay xuseen in ay wax lagu farxo tahay in dhisme bilicdan leh loo dhiso mid ka mida xarumaha dowladda ee adeeg bixinta Garsoorka bulshada u qabta.

Madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex ayaa laga codsaday in xil iska saaraan ilaalinta iyo dhawrista dhismahan.

Dhismahan ayaa noqon doona mid wax weyn ka tari doona hawl socodsiinta baaxada leh ee ay bulshada u qabato Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex

 

 

 

 

 

Leave a Reply