Boorame: Madaxweyne ku Xigeenka JSL oo Xadhigga ka Jaray Mashaariic Horumarineed

0
260

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa shalay soo kormeeray goobaha ay ka socoto qaadashadda kaadhka codbixinta ee magaaladda Boorama.
Waxaanu dadweynaha reer Boorama ugu baaqay in ay kaadhadhka codbixinta qaataan, isla markaana ay ogaadaan qiimaha uu leeyahay khaadhka codbixintu.
Waxaanu yidhi, “Waa inaad kaadhka qaadataan. Waxa kaloo aan idinku dar-daarayaa kaadhkani waa masiirkiinii rasmiga ahaa. Waxaad moodaa markaan maalin ku codayno kadib inaan iska tuurno, oo meel aan dhignayba aan wayno.
Sida uu qiimo u leeyahay kaadhka dhalashadu ayuu ka codbixintuna qiimo u leeyahay oo wuxuu cadaynayaa inaad tahay muwaadin codbixiye ah”.
Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenku waxa uu dhagax dhigay xarunta Sayladda xoolaha ee magaaladda Boorama.
Taasoo laga hirgelinayo mashruuca qaybtii ka hadhay oo ahayd Bariij, loogu tallo galay in biyaha lagaga ilaaliyo xarunta Sayladdaasi oo dhawaan la dhisay.
Waxaanu madaxweyne ku-xigeenku soo kormeeray shaybaadhka ay wasaaradda Xanaanadda xooluhu ka hirgelisay gudaha Sayladda, taasoo lagu shaybaadho caafimaadka xoolaha.
Isagoo halkaa warbixin kaga dhegaystay dhakhaatiirta xanaanadda xoolaha ee shaybaadhkaasi ku sheqeeya, kuwaasoo sharaxay hanaanka uu shaybaadhku u shaqeeyo.
Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa isla shalay waxa uu xadhiga ka jaray MCH cusub oo laga hirgeliyay xaafadda Haya-yaabo, ee magaaladda Boorama.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa isna ka warbixiyay MCH-kani waxaanu sheegay in ay ka kooban tahay dhamaanba qaybihii looga baahnaa oo si buuxda u shaqaynaya.
Dr. Xergeeye, ayaa ugu baaqay bulshadda ku nool xaafadda Haya-yaabo, in ay yimaadeen xaruntaasi caafimaad, isla markaana ay u soo doontaan addeegyadda caafimaad ee ay bixinayso.
Dhinaca kale kormeerkaasi iyo xadhig ka jarka, iyo dhagax dhiga mashaariicdaasi kala duwan ee uu shalay madaxweyne ku-xigeenku ka sameeyay Boorama, waxaa ku wehelinayay maayar ku-xigeenka Boorama.
Saraakiil ka socday haayadda Save The Children, oo mashruuca dhismaha Sayladda Boorama hirgelintiisa ay iska kaashadeen dawladda hoose ee Boorama.
Wasiirka Maalgashiga Cabdi Cismaan Dhego-weyne, agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka JSL, badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (tiinbaro), iyo masuuliyiin kale.a

Leave a Reply