Waxaan Xaqiijinaya Rabitaankayga!

0
190

Haweeney ay da’deedu gaadhay 73 sano oo Muslim ah ayaa ku biirtay koox haween oo baranaya sida loo wado baaskiiladda. Arrintan ayay uga dan leeyihiin inay sameeyaan jimcsi joogto ah si ay u horumariyaan caafimaadkooda, dhisaan kalsoonida naf ahaaneed, iyo inay aaminsan yihiin inay kordhiyaan difaaca jidhkooda si ay isaga difaacaan xanuunada   faafa.

Islaantan oo lagu magacaabo Razia Begum ayaa tidhi “ Weligay niyadaydu weligeed waa ay jeclayd wadida baaskiiladda , caruurnimadaydii waxan raaci jiray baaskiilada walaalkay lahaa Bakistaan gudaheeda. Haddana waxaan ku fikiray inaan dhameystiro riyadeyda ah inaan kaxeeyo baaskiil ” .

 

Razia ayaa sii wadatay hadalkeed oo tidhi :“Waxaan ku dhex lugeyn jiray jardiinada marwalba anigoo u dhex maraya kolba dhinac waxaan arkayay dumarka oo wata mootooyin, sidaa awgeed Ma jecli inaan fadhiisto guriga sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan barto sida loo wado baaskiil si jidhkaygu u dhismo. ”

 

Naseem Akhtar oo ka asaasay dalka Ingiriiska xarunta lagu tababarayo haweenka ayaa iyana yidhi :”  Waxaan u asaasnay anagoo dooneynay inaan siino haweenka iyo gabdhaha, gaar ahaan haweenka kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay fursad ay kaga qeyb qaataan dhaqdhaqaaqa jidhka dhiska iyo isboortiga – waxaa jiray fikrad ah in haweenka laga tirada badan yahay aanay jeclayn isboortiga, taasi ayaanu iyadana Meesha ka saarnay, xaruntu waxa ay hadda tababar siisay ku dhowaad 2000 haween” . Da’ kasta oo aad gaadho kaama joojinayso inaad gaadhi weydo higsigaaga.

Leave a Reply