Waxa lagu magacaabi jiray Abu Muxamed Al-Xajaaj Binu Yuusf wuxu ahaa hogaamiye ka tirsanaa Dawladii Umawiyiinta wuxu noolaa ( 714 H ama 660 M ) wuxu ahaa nin adag oo khudbado dheer, oo dhiiga dadku uu aad ula fududaa. Wuxu ku barbaaray Daa’if waxaana loo magacabay inuu noqdo Badhsaabkii Ciraaq.
Maalin ayuu khudbadii Jimacaha ku dheerayay dadkii, nin muslimiinta ka mid ahaa ayaa istaagay oo ku yidhi “ Khudbada soo gaabi , salaadii way tegaysa”. Xajaaj ayaa markii uu dhameyay ciidankiisa ku amray inay ninkaasi xidhaan.
Ninkii markii uu muddo xidhna ayay odayaashiisu u tegeen Xajaaj Binu Yuusf oo ka codsadeen inuu sii daayo ninkaasi iyagoo u sheegay inuu yahay nin waalan oo aan maskax ahaan dhamayn.
Xajaaj ayaa ku yidhi “ Iigu yeedha haddii uu waalan yahay bal aan arko ka dibna waan sii daynayaa “.
Markii ninki odoyaashiisa u sheegeen inay Xajaaj u geynayaan uguna sheegeen inuu waalan yahay ee uu sidaasi ula socodo. Ninkii ayaa ku yidhi odoyawaasha “ waa haagaag”.
Markii Xajaaj loo keenay ayay odoyaashii yidhaahdeen waa kan waa nin waalan. Laakiin ninkii ayaa markiiba hadlay oo yidhi “ Waar anigu ma waali, waan miyir qabaa, maxaad nimcada Allah isiiyay been uga sheegaya”” Haddii aan banaanka joogayo anigoo waalan, jeelkana anigoo miyir qaba, jeelka ayaan dooranayaa “. “ Anigu caqligayga been ka sheegi mayo”
Xajaaj oo ahaa nin macangag ah oo madax adag ayaa qoslay oo yidhi “ Waar waa runtiiye naga sii daya, idinkaa been noo sheegaaye”. Sidaasi ayay mar kasta runtu u tahay mid ku badbaadinaysa.