Wasaarada Caafimaadka oo qalab iyo dawooyin kala wareegay Hay’adda WHO

0
157

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa shalay agab Caafimaad iyo daawooyin loogu talo gelay shaybaadka kala wareegay Hay,adda Caafimaadka aduunka ee (WHO)

Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa waxa uu uga mahadnaqay hay,ada WHO dawooyinka iyo qalabkan ay ugu deeqday Wasaarada Caafimaadka,

Maxamed Cabdi Xargeeye oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa hay,ada WHO oo la shaqaysa Wasaarada Caafimaadka oo bishii ugu dambaysay ilaa afar jeer qalab Caafimaad iyo shaybaadho ku wareejisay Wasaarada Caafimaadka,waxa aanu la wareegaynaa qalab cadaynaya tayadada hawooyinka aynu dadka siino sida Ogsojiinta.waxaana la eegaa tayada Ogsojiinta uu qofku qaadanayo,waxaana mishiin kaasi inoo sheegayaaa sax ahaan shaha Mishiinka Ogsojiinta,waxa aynu hubinaynaa in Ogsojiintu tahay mid sax ah waxaana loo adeegsadaa Ogsojiinta suuxdinta iyo waxa la mid ah.waxaana uu wax ka tarayaa Mishiinkani hawooyinka aynu dadka siino,waxa kale oo aynu la wareegaynaa qalab dhamaystiran oo lagaga shaqaynayo qalabyada xumaada. waxa aynu ogan in mishiino badani u fadhiistaan wax yar oo fudud oo dib aan loo isticmaalin.hawlahaas oo dhan waxa aanu ka wada shaqaynaynaa Hay,adda WHO,”.

Sidoo kale Sarkaal ka socday Xafiiska Hay,adda WHO ee Magaalada Hargeysa oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay muhiimada qalabkani u leeyahay Caafimaafka,waxaana uu tilmaamay ay sii wadayaan wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaarada Caafimaadka.

 

 

 

Leave a Reply