Kaadh-qaybinta Codbixiyayaasha oo 3 Gobol si rasmi ah uga Bilaabmaysa

0
140

Hargeysa (Dawan) Guddida doorashooyinka Qaranka Somalialnd ayaa shalay kala diray gaadiidkii iyo agabka saddexda gobol ee ay bari ka bilaabmayso Kaadhqaadashada codbixiyayaasha, ee kala ah Maroodijeex, Togdheer iyo Sool.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa magaalada Hargeysa ka ambabixiyey agabkii, shaqaalihii, gaadiidkii iyo Ciidamadii ka shaqaynayey goobaha Kaadh-qaybinta gobolka Maroodijeex, halka sidoo kale ay kala direen shaqaalihii iyo gaadiidkii Wacyigallinta Kaadhqaybinta ee degaanada gobolka Maroodi-jeex.

Geesta kale guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa magaalada Burco ka ambabixiyey agabkii, shaqaalihii, gaadiidkii iyo Ciidamadii ka shaqaynayey goobaha Kaadh-qaybinta gobolka Togdheer, waxaanay sidoo kale kala direen shaqaalihii iyo gaadiidkii Wacyigallinta Kaadhqaybinta ee degaanada gobolka Togdheer.

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa magaalada Caynaba ka ambabixiyey agabkii, shaqaalihii, gaadiidkii iyo Ciidamadii ka shaqaynayey goobaha Kaadh-qaybinta gobolka Sool, iyaga oo sidoo kale kala direen shaqaalihii iyo gaadiidkii Wacyigallinta Kaadhqaybinta ee degaanada gobolka Sool.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply