Xafiiska wasaaradda Beeraha ee Togdheer oo Tababar u Qabtay Beeralayda 10 Tuulo

0
134

Burco (Dawan) Xafiiska Wasaaradda Beeraha JSL ee Gobolka Togdheer, ayaa Tababbar u qabtay qaar ka mid ah Beeralayda 10 Tuulo oo ka mid ah Gobolkaas.

Dadka Tababbarka loo qabtay ayaa ka kala socday Tuulooyinka kala ah Kabadheere, Kaladhac, Beer, Aadan Saleebaan, Qoyta, Qudhac-dheer, Bali xagaa, Kal-barre, Boodhley iyo Booraamo.

Tababbarkan oo Beeralayda lagu barayey Hababka ugu wanaagsan ee Wax-soo-saarka Beeraha loogala dagaalamo Xasharaadka Waxyeeleeya, sida Diirta, ayaa waxa uu Xafiiska Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer la kaashaday Hay’adda GIZ oo ka mid ah Hay’adaha wada-shaqaynta la leh Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.

Furitaannadii Tababbarkan waxa ka hadlay Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Cabdillaahi Ibraahim iyo Masuuliyiin ka socday Hay’adda GIZ.

Isu-duwaha iyo Xubnaha ka socday GIZ, ayaa ka qayb-galeyaasha u soo jeediyey inay ka faa’idaystaan Aqoonta iyo Xirfadda ay Tababbarkaas ku qaadanayaan, mustaqbalkana ku munaafacaadsadaan, beeralayda kalena uga faa’ideeyaan.

Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer, ku-xigeenkiisa iyo hawl-wadeennada kale ee Xafiiskiisaasi, ayaa wada dedaal ay kor ugu qaadayaan Aqoonta Beeralayda Togdheer, si tayada wax-soo-saarka Beeruhu uu kor ugu kaco.

Kor u qaadidda Aqoonta Beeralayda dalka iyo taageeradooda, ayaa ah siyaasadda guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL.

Waxa xusid mudan, in Isu-duwaha iyo Hawl-wadeennada Xafiiskiisu ay dadka la Tababbaray ugu tageen deegaannadooda.

 

Leave a Reply