Guddoomiyaha Haayadda Caymiska Qaranka Oo Ka Warbixiyay Muhiimadda iyo Faa’iidadda Xeerka Caymiska

0
167

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha haayadda Caymiska qaranka Somaliland Guuleed Muuse Galaal, ayaa ka warbixiyay muhiimadda, iyo faa’iidadda uu dalka, iyo bulshadaba u leeyahay xeerka Caymisku.

Waxaanu sheegay in xeerka Caymiska shacabka Somaliland, cuqaasha, iyo madax dhaqameedku ay imika fursad u helayaan mushaakilaad iyo culays badan oo markii hore haystay.

Taasoo ah culayskii madax dhaqameedka, iyo bulshadaba ka haystay dhinaca Mag bixinta, oo uu imika ka dul qaadayo culayskaasi xeerka Caymiska qaranku.

Guuleed Muuse Galaal, oo waraysi gaara siiyay telefishanka qaranka Somaliland waxa kaloo uu ka hadlay faa’iidooyinka uu xeerkaasi u leeyahay qaranka, iyo bulshada ba.

Haayadda Caymiska qaranka Somaliland ayaa madaxweyne Muuse Biixi, uu digreeto madaxweyne ku aasaasay laba sanadood ka hor. Iyadoo na ay dhawaan xeerka Caymiska ansixiyeen goleyaasha sharci dejinta Somaliland.

Guddoomiyaha haayadda Caymiska, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu aasaasay haayada Caymiska qaranka, iyo sidoo kale goleyaasha sharci dejinta oo uu ku amaanay ansixinta xeerka Caymiska haayadaha qaranka.

Waxaanu yidhi “Waxaan si gaara ugu mahad celinayaa labadda gole ee Guurtidda, iyo Wakiiladda, iyo maxkamadda sare. Xeerkani saddexdaa haayadood ee uu soo maray ba si wanaagsan ayay uga hawl galeen”.

“Waxa kaloo aan u hanbalyaynayaa shacabka Somaliland, cuqaasha, iyo madax dhaqameedka, oo imika fursad u helay mushaakilaad iyo culays badan oo markii hore haystay, in ay imika heleen wax ka dul qaada culayskaa, oo ah Magta, iyo bad-baadinta nafta oo aad muhiim u ah.

Waayo? Magtu iman mayso haddii nafta la bad-baadiyo. Markaa waxa ugu muhiimsan ee ay anaga na is-tiraatijiyadayadu tahay in marka hore nafta la bad-baadiyo.

Anagoo kaashanayna haayadaha kala duwan ee dawladda” ayuu yidhi Guuleed Muuse Galaal, guddoomiyaha haayadda Caymiska qaranka Somaliland.

Guuleed Muuse Galaal, waxa kaloo uu sheegay in xeerka Caymiska qaranka Somaliland uu yahay mid islaami ah, isla markaana dhaqaale fara badan ku soo kordhinaya qaranka.

Waxaanu yidhi, “Waxa kaloo aan halkan ka sheegayaa in Caymiskani uu yahay mid islaami ah, oo dhaqaale fara badan ku soo kordhinaya qaranka, iyo dawlada Somaliland ba. Caymisku wuxuu ka mid yahay dhaqaalaha wadanka. Dal haddii aanu aasaaska dhaqaalihiisu u dhisnayn, horumar ma imanayo.

“Caymisku waxa kaloo uu bixinayaa damaanad marka ay dadkeenu wadamada dibadda allaabooyinka ka soo iibsanayaan. Caymisku wuxuu bad-baadinayaa allaabta, haddii ay wax gaadhaan inta ay safarka ku soo jirto.

Waxa kaloo inoo faa’iido ah in aynu heshiis Caymis la gelayno dalalka inala jaarka ah ee xidhiidhka ganacsi inaga dhexeeyo”.

Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay u qorshaysan tahay in shaqaalaha dawladda ee Somaliland la geliyo Caymis, isla markaana ay arrintaasi ka wada shaqaynayaan haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland.

“Waxa ugu horeeya ee aanu ku bilaabaynaa waa caymiska Caafimaadka, iyo ka shaqaalaha dawladda. Waxaanan arrintaa ka wada shaqaynaynaa wasaaradda caafimaadka, iyo haayadda shaqaalaha dawladda” ayuu yidhi guddoomiyaha haayadda Caymiska qaranka JSL.

 

Leave a Reply