Kulan lagaga Hadlaayey Dardar Delinta Siyaasaddaha iyo Xeerarka Carruurta oo Hargeysa lagu Qabtay

0
339

Hargeysa (Dawan) Kulan lagaga hadlaayey dardar gelinta siyaasaddaha iyo xeerarka carruurta oo ay soo abaabushay wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa lagu qabtay magalaadda Hargeysa.
Waxa kulankan kasoo qayb galay agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaalada, hay’addaha ka shaqeeya arrimaha carruurta iyo marti sharaf kale.
Waxa ugu horayn kulankan ka warbixiyay agaasimaha Waaxda arrimaha Bulshada ee wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Filsan Xuseen Khaliif iyo mas’uul ka socday hay’adda Save the Children, waxaanay tilmaameen in muhiimada kulankani ahayd sidii looga doodi lahaa dejinta misaaniyad arrimaha Carruurta wax lagaga qabanaayo iyo la socodka xeerka carruurta, iyaga oo cadeeyey in wasaaraddu ay diyaarisay oo la ansixiyey siyaasadda daryeelka carruurta.
Agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska iyo Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland iyaguna kulankaas ka hadlay ayaa tilmaamay in qaranka uu xil ka saaran yahay Kobcinta, korinta iyo daryeelka Carruurta reer Somaliland, waxaanay intaas ku dareen in kulankan ujeedkiisa ugu weyni ahaa in lagu kala warqaato halka ay marayaan dedaaladii ilaalinta xuquuqda carruurtu.

Leave a Reply