In kabadan 110 ardey oo ka qalinjibisay Machadka Hiraal ee magaalada Hargeysa

0
173

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeeysa ayaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen in ka badan 110 arday oo baratay xirfado kala duwan sida suuq geeynta iyo , Qurxinta haweenka, isla markana ka aflaxday Machadka Hiraal ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale ardaydan ayaa ka faa’iidaystay tababarada horumarinta dhallinyarada gaar ahaana, qurxina dumarka iyo barashada baraha bulshada iyo suuqgaynta casriga ah.

Tababarada waxa bixnaysay hay’adda SOHASCO oo kaa shanaysa hay’adda UNFPA iyo wasaarada dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyad Somaliland.

Geesta kale maamulka hay’adda waddaniga ah ee SOHASCO iyo Hiraal Youth Center ayaa ardayda ku boggaadiyay tababarada ay dhammeysteen, gaar ahaan tababbarada barashada baraha bulshada iyo suuqaynta casriga ah iyo qurxinta dumarka.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, maamulka iskuulka, bahda waxbarashada, waalidiin, dhalinyaro , haween , ardayda qalin jabisay iyo marti sharaf kale.

Maamulaha dugsiga Hiraal Nimco Xasan waxaaney tidhi. “Dhammaantiin waan idiin hanbalyaynayaa, waxaanu ku faraxsanahay sida wanaagsan ee aad uga faa’idaysateen fursadii aad hesheen.”

“Waxa aanu halkan uga hanbalyaynayna 110-ka arday, ee wax ka bartay mudadii saddexda bilood ahayd waxbarashadiina waxa aanu idiin rajjeynayna in ay noqoto mid idin anfacda, oo aad ku shaqo tagtaan haddii ILLAAHEY yidhaadho”Ayuu yidhi mid ka mida macalimiintii ardayda waxbaray.

“Dadkeenu baraha bulshada madadaalo ahaan uun bay u isticmaalaan lakiin waxaanu baranay in si kale looga faa’iidaysa karo”Cabdirashiid oo kamid ah ardayda dhamaysatay tababarka baraha bulshada iyo suuqgaynta casriga ah.

“Farxadayda iyo dareenkaygu maaha mid la qiyaasi karo maanta” Hana oo kamid ah ardayda dhamaysatay tababarka baraha bulshada iyo suuqgaynta casriga ah.

 

 

Leave a Reply