Xikmada Maanta

0
239
  • Aqoontu waa garashada waxa aadodhanayso, xigmaduna waa garashada wakhtiga aad odhanayso .
  • Qofka raba inuu guulaysto ma dhamaado fikradihiisu, ka guuldaraystana ma dhamaado cudur daarkiisu.
  • Baqdintu ma jirto meel ay joogto marka laga reebo maskaxdeena
  • Qofka ku fiican samaynta cudur-daarku kuma fiicna wax kale.
  • Haddii aad rabto inaad riyadaada run ka dhigto, marka hore toos.
  • Hadaad garato qiimaha naftaada kuma dhibayso waxa lagaa sheegayo
  • Ceeb maaha inaad kufto waxase xun inaad kicis weydo, (dhulka sii jiifto)
  • Aargoosiga ugu wanaagsan nolosha waa guusha dhamayska tiran
  • Haka tanaasulin riyadaada, ogowna in wakhtigu socodo.
  • Qofka doonaya inuu guulaysto waa in uu marka hore ka guulaysto caajiska iyo cabsida
  • Dadka ka ugu caqliga badan waa ka dadka u cudur daara, ka ugu taajirsan waa kan ku qanacsan waxa u haysto, ka ugu xoog badan waa ka cadhadiisa ka adag, qofka ugu beenta badani waa ka naftiisa Amaana.

Leave a Reply