Xafiiska Imitixaanaadka Qaranka ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta iyo Ilaaliyeyaasha Imtixaanka Qaranka

0
180

Hargeysa (Dawan)- Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo kulan la qaatay masuuliyiinta iyo ilaaliyeyaasha imtixaanada ayaa faahfaahin ka siiyey dhinacyada la doonayo inay xooga saaraan.

Kulanka oo masuuliyiin Wasaaradda Waxbarashada iyo Xafiiska Imtixaanada Qaranku goobjoog ahaayeen ayaa ugu horeyn waxa hadalo ka jeediyey khubaro muddo dheer ka soo shaqeynayey hawlaha imtixaanada iyo ilaalintiisa.

Gudoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Md. Daa’ud Axmed Faarax oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in marwalba la isweydiiyo ardayga miyaan la baadhin, mise baadhistaa liidata, siduu ardaygu ugu suurtowday inuu imtixaanka qish sameeyo.

“Ilaaliyeyaasha imtixaanada ma Gudoomiyeyaasha Gobolada ee Wasaarada Waxbarashada ayaan si fiican u soo xulin, ilayn macalinka wanaagsan fasalka uu ku jiro ee labaatanka arday mobil lama soo bixi karaane.”

Gaashaanle Cabdicasiis Sh Ismaaciil oo hadal ka jeediyey isla markaana ka warbixiyey doorka ciidamada Booliisku ku leeyahiin hirgelinta imtixaanadda ayaa sheegay in dadka isku deyaya inay goobaha imtixaanada keenaan qish ama ka soo gudbaan xuduudka loogu talogalay ciidamada booliiska eek u sugan waajibaadkooda ka gudan doonaan.

Wasiir-xigeenka Waxbarashada Md. Cabdixakiin Siciid bustaale oo hadal ka jeediyey ayaa kula dardaarmay ahwlwadeenada inay si cadaalad ah u ilaaliyaan goobaha loo diro.

 

 

 

Leave a Reply