Sonyo iyo Sos oo Tababaro Farsmada Gacanta ah u soo xidhay 88 Arday

0
187

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen in ka badan 88 arday oo baratay xirfado kala duwan, sida xirfaddaha Shaqo-raadinta iyo shaqo carbinta, ardaydaas oo ka kala socotay jamacaddaha dalka iyo dugsiyadda farsamada gacanta lagu barto.

Munaasibadii xidhitaanka tababarkan waxa ak soo qaybgalay guddoomiyaha Dallada dhalinyaradda heer qaran SONYO, agaasimaha Daladda aan dowliga ahayn SONSAF, bahda waxbarashada, waalidiin, dhalinyaro , haween , ardayda qalin jabisay iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Marwo Nimco Jaamac Cilmi ayaa sheegtay in ardaydaas ay galiyeen dadaal badan, masuuliyinta daladda SONYO iyo masuuliyiinta hay’adda SOS, isla markaana ay ku tababareen xirfaddaha shaqo raadinta iyo shaqo carbinta.

Geesta kalena agaasimaha Dallada aan Dowliga ahayn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa ardaydaas ka qalinjabineysay xirfaddahaas shaqo abuurka iyo shaqo carbinta kula dardarmay in mudada shaqo raadinta ardaydaas ku jiraan aanay ka niyad jabin kana midho dhaliyaan hadafkooda si ay guusha higsanayaan u gaadhaan.

Axmed yuusuf Xusseen oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda SOS ayaa sheegay inay wada shaqayn dhow ka dhaxayso dalladda dhalinyaradda heer qaran SONYO, waxaanu xusay in xukuumadduna dhiiriganeyso sidii dhalinyaradda dalka fursaddo shaqo abuur loogu heli lahaa oo noocaas oo kale ah.

Gabogabadiina qaar ka mid ahaa ardeydii xirfaddaas ka qalinjabineysay ayaa uga mahadceliyey macalimiintoodii wax soo bartay iyo masuuliyiinta daladda SONYO iyo SOS, waxaana goobtaas lagu guddoonsiiyey shahaadooyinkoodii.

 

Leave a Reply