Eng Faysal oo si Adag Uga Jawaabay Hadalkii Deni… “Waa Inoo Garoowe”

0
231

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga jawaabay hadalkii shalay kasoo yeedhay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aanay marnaba kasoo bixi doonin Laascaanood, taasi oo ugu baaqay Deni, si ay u kala badbaadan.

Eng Faysal oo ka jawaabaya hadalkii Deni ee ahaa “Somaliland ciidankeeda haka qaado Laascaanood,” ayaa sheegay in ciidankooda aan la qaadayn in ay sii socdaan mooyee, sid uu hadalka u dhigay.

“Saciid Deni ciidamada ka qaada ayuu yidhi Laascaanood, ka qaadi maynee balanteenu waa Yoocada, hadad joogi waydana waa inoo Garoowe,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Deni ayuu sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dhibaatada Laascaanood ka dhacday uu masuul ka yahay, islamarkaana madaxweynaha Puntland uu Laascaanood ka barakaciyay dadkeedii.

“Laascaanood waa ka nolol fiicnayd Garoowe iyo Boosaaso, laakiin (Deni) ayaa dadkeedii barakiciyay,” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

 

 

 

Leave a Reply