Waxa aan usoo jeedinayaa shacabka Somaliland in lays kaalmeeyo” Shucayb Maxamed Muuse

0
223

Hargeysa (Dawan) Wasiirkii hore ee Wasaarada Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in isku duubnaadaan oo Midnimada dhexdooda la ilaaliyo.

 

Shucayb Maxamed Muuse ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka Laascaanood Isla dhamaan doono,islamarkaana loo baahnan in lagu talax tago.

Shucayb Maxamed oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aan soo jeedinayaa in Umaddu isku duubnaato Midnimada dhexdheeda la ilaaliyo, dagaalku wuu iska dhamaan doonaa wanaag ayaa xigi doona.waxaana aan leeyahay dadka aragtida gaaban ee leh laysku noqon maayo waa laysku iman doonaa yaan la talaxtagin,dad kani ma kala maarmayaan Siyaasadu malaha saaxiib joogta Ninka aad Maanta wada socotaan Bari kala aragti ayaad noqon kartaan,Somaliland cadaw badan ayay leedahay dhinacyo badan ayaa lagaga soo duulay waana in isku tashato,”.

Sidoo kale Shucayb Maxamed ayaa waxa uu usoo jeediyay shacabka Somaliland in lays kaalmeeyo.Waxaana uu yidhi”Qayb badan oo Umadda Somaliland ka midi way jilicsantahay,waxaana aan usoo jeedinayaa in lays kaal meeyo oola ogaado jaarka qof kasta oo reer Somaliland oo wax haystaa waa in ogaado inta la jaarka in wax karsadeen iyo in kale,”.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply