Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland oo Qaatay Mowqif Sii Hurinaya Colaadda Laascaanood

0
226

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland iyo Baarlamaankiisa ayaa ku dhowaaqay talaabo sii hurinaysa dagaalka magaalada Laascaanood, isla markaana ka horyimi talaabo urur-goboleedka IGAD iyo golaha Amaanku ku soo jeediyeen xabad-joojin iyo wadahadal lagu xaliyo khilaafka Laascaanood.

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Md. Siciid Cabdillahi Deni ayaa ku hanjabay inay dagaal ku qaadi doonaan Somaliland, waxaanu yidhi, “Dowladda Puntland waxay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doontaa shacabka reer SSC haddii Somalilad ka dhega adeyto baaqyadda Golaha Ammaanka iyo in ta nabada jecel oo ah in ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada Laascaanood” ayuu yidhi Siciid Deni.

Dhinaca kale gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Md. Cabdirashid Yusuf Jibril ayaa sidoo kale sheegay inay garab istaagi doonaan shacabka Laascaanood, isla markaana dhaliilay go’aan urur-goboleedka IGAD ku baaqya in lagu xalliyo khilaafka Laascaanood.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda iyo shacabka puntalnd inaan difaacno sharafta bulshada gobolka Soo loo macnaheedu yahay inaan difaacayno midnimada ummada soomaaliyeed.

Hadalka madaxweynaha iyo Baarlamaanka maamul-goboleedka Puntland ayaa sii hurinaya colaada ka taagan gobolka Soo loo hore xukuumadu ugu eedeysay inay ka dambeeyaan, isla markaana khilaafsan go’aamadii lagu soo jeediyey xalka khilaafka laascaanood.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply