Mar Kasta Faraxsanow?!

0
197

Boqorka ayaa wasiirkiisa weydiiyay su’aasha ah “ Maxay tahay sababta uu adeegahaygu iiga farxad badan yahay isagoo haddana sabool ah?”.  Wasiirka ayaa ku jawaabay si u garto sababta ku tijaabi xeerka 99. Xeerkani waa inaad 99 Diinaar warqad aanad wada xidhin , oo aad raaciso warqad kale oo cadaynaysa inay ku jireen 100 Diinaar. Waana in furitaanka ka muuqda loo qaato ina lacag ay ka daadatay. Warqaddaasi dhiga albaabka khadiimkaaga, oo ku garaac iskagana tag.

 

Boqorku arinkii sameeyay, khadiimkii ayaa albaabkiisa furay markiiba wuxu arkay warqadda, waana uu eegay oo tiriyay oo akhriyay inay ahayd 100 Diinaar, markii lacagta tiradeedu noqon weyday 100 debedda ayuu usoo baxay isagoo raadinaya halka diinaar ee ka dhiman meesha uu ku dhacay.

Gabadhiisa ayuu soo toosiyay oo ku yidhi “ kaalay hal Diinar ayaa lacagtan ka maqane debedda inuu ku dhacay igala baadh waa habeen madow ”. Habeenkii madoobaa siday u baadhayeen ayuu waagu u barayay. Khaadimkii wuu cadhooday maxaa yeelay muu helin halkii Diinar isagoo weliba hurdadiisana ku seegay.

Subaxnimadii isagoo murugaysan ayuu u yimi boqorka oo aan farxadii ka muuqan oo niyad jabsan. Boqorka ayaa ogaaday xeerka 99 macnaha uu leeyahay. Waxaana uu gartay in dadku ilaabaan 99 nicmo oo Allah siiyay, halka mid keliya oo ka maqan ay cadho iyo murugo ku abuurto. Waxana uu dareemay inuu isaguna kuwaasi ka mid yahay oo aanay ahayn inuu u murugooda wax ka maqan, kuna mahadnaqo waxa uu haysto ee ka badan inta ka maqan.

 

 

 

Leave a Reply