Munaasabadda salaadda ciidul adxada ee sannadka Hijriga 1444 ayaa saaka laga tukaday magaalada Borama

0
242

Borama (Dawan) Munaasabadda salaadda Ciidul-adxa ayaa saaka laga tukaday magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, waxaanay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Borama saaka munaasabadda salaada Ciidul Adxada si weyn ugu wada tukaday Miskiid-jaamaca weyn ee magaaladaasi.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA ee magaalada Borama Abokor Xasan Caafi, Boqolaal ka mida bulshadii u soo salaadtagtey Miskiid-jaamaca magaalada Borama, waxa kala soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda maalgashiga iyo warshadaha Somaliland Cabdi Cismaan Dhaga-weyne, guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi (Xasan Ciid) xildhibaano, waxgarad, culima’awdiin.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi Abraar ayaa bulshada gobolka Awdal ku hanbalyeeyay Munaasibada Ciidul-adxada, waxaanu ILLAAHEY uga baryay in sannadkan sannadkiisa uu ku gaadhsiiyo bashbash, barwaaqo, isku duubni iyo nabadgelyo.

Wasiirka wasaaradda maalgashiga JSL oo  bulshada kala hadlay  la hadlay ayaa sheegay in bulshada gobolka Awdal ka codsaday in lala shaqeeyo guddoomiyaha cusub, waxaanu bulshada ku adkeeyay inay ilaaliyaan nabadgelyada, isla markaana laga waantoobo     waxkasta oo abniga wax u dhimi kara.

Sidoo kale bulshada ku nool degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka Awdal ayaa   maanta u dabaaldagaya xuska maalinta weyn ee Ciidul Adxaa oo ka mid ah labada ciidood ee Islaamka, waxaanay intii awooddo, maanta oo kale muslimiinta ay gowracaayaan xoolo kaddibna ku sadaqeysta dadka masaakiinta ah si farxadda loo wada qeybsado.

Bulshada isugu soo baxay goobaha lagu tukado Salaada ee magaalada Borama ayaa isugu hanbalyaynayay debaaldega Munaasibada Ciidul-adxa awgeed, iyada oo dadka wajiyadooda laga dheehanayay farxada Ciida.

 

 

Leave a Reply