Guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Dalka JSL oo siweyn looga Ciiday Ciidal Adxada

0
291

Hargeysa (Dawan) Maanta oo ah Maalinta Koowaad ee Munaasabada Ciidul Adxa, waxaana si siman oo nabadgelyo ah looga wada Ciiday dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka JSL, iyo Wadamada Islaamka oo dhan.

Waxa  Masaajidada waa weyn iyo Garoomadda Kubadda Cagta, siweyn loogu oogey  Salaada Ciidul Adxa, oo ay isugu soo baxeen boqolaal kun oo  ruux, waxaana Saalada kaddib muwaadiiniinta JSL, iyaga oo farxadii ka muuqato wajiyadooda ay isugu hambalyeynayeen Munaasabadda Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxa, oo ah maalin qiimo badan ku leh Umadda Somaliland iyo Muslimiinta ku nool Caalamka oo dhan.

Waddooyinka waa weyn ee dhexmara gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa ah kuwo aad u mashquul badan, maadama ay dadku   booqanayaan Eheladooda iyo Asxaabtooda, si ay farxada Ciida ugala qeyb qataan.

Sidoo kale goobaha loo dalxiis tago ee ku yaalla guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa maanta ka duwan maalmihi hore,   maadama ay boqolaal ruux oo isugu jira Dhallinyaro, Haween,  Carruur, ay tagayaan si ay damashaadka Ciida ugu soo qataan,isla markaana sawirro ugu soo galaan.

Madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee dadka kala qaybgalay tukashada Ciidal-adxa ayaa ugu hanbalyeeyay qiimaha maalintani leedahay.

Maanta oo kale Muslimiinta intooda awooda ayaa gowraca Xoolo, kaddibna ku sadaqeysta dadka masaakiinta ah si farxada loo wada qeyb sado.

In ka badan 2 milyan oo Ruux oo gudanaya Xajka sannadkaan, ayaa ku ciidaya xaramka barakeysan  Makka.

Leave a Reply