Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in lagu soo Duulay magaalada Laascaanood

0
294

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa sheegay in magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay noqotay meel bahalo galena, waxaanu xusay in bulshadii reer Laascaanood iyo dowladdoodiina la isku dhuftay.

Sidoo kale waxa uu xusay in dad Shisheeye ku soo duuleen magaalada Laascaanood, isla markaana ay soo weerareen Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in ciidamada dhimanaya iyo kuwa dhaawacmayaaba ay difaaca Qarannimadooda naftooda u hibeeyeen, waxaanu intaas ku daray in shicib iyo dowladdba loo og’yahay, waxaanu ciidanka Qaranka JSL ka codsaday inay samraan, isaga ALLE uga baryayay in markasta guushu iyaga raacdo.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad loo qabtay Kaalmo Adhi ah oo lagu wareejinayay  ciiddaamada dhaawaca ah ee ku jira cisbitaalka xerada Bir-jeex ee magaalada Hargeysa.

Leave a Reply