Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shacabka Caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidal-Adxaha.

0
295

Hargeysa (Dawan)  – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda, gaar ahaan masjid-jaamaca weyn ee Hargeysa kula tukaday salaadda ciidal-Adxaha.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada,  qaar kamid ah taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo  masuuliyiin kale, ayaa dadweynaha kula tukaday masjid-jaamaca Hargeysa salaadda ciidal-Adxaha.

Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Jamhuuriyadda Somaliland oo markii uu dadweynaha tujiyey khudbad kooban u jeediyey, ayaa Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo Acmaasha wanaagsan, waxana uu kula dardaarmay inay midnimo iyo isku-duubni mar walba muujiyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shacabka halkaas kala hadlay, ayaa ugu horrayn bulshada reer Somaliland ugu hambalyeeyey maalinta ciidda barakaysan ee Ciidal-Adxaha, waxana uu ku adkeeyey inay ku dedaalaan caawinta iyo gacan-siinta inta baahan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka faray inay ku dedaalaan bixinta Sekeda oo ah shayga kaliya ee bulshada lagaga saari karo faqriga iyo baahida taagan, waxana uu yidhi,“Haddii sekeda la isu geeyo oo magaalo kastaaba xaafadaheedu sekedda isu geeyaan maalin walba tiro badan baa laga saari lahaa faqriga oo adduun ay ku shaqaystaan loo samayn lahaa, waxan leeyahay sekedda Ilaahay baa waajibiyey islaamkana waxa ay ka noqotay tiirka koowaad ee dadka faqriga ka saara, waxana aan ku talinayaa in dadku sekeda intay iska ururiyaan mar qoys faqriga lagaga saaro.”

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu  qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaybaha kala duwan ee shacabka Hargeysa oo munaasibadda Ciidal-Adxaha awgeed salaan ugu yimi.

Leave a Reply