Dowladda Kuwait oo Caawimo U Qaybisay Qoysas Danyar Ah oo Degan Xaafadda Daami

0
137

Hargeysa (Dawan) Dowladda Kuweyd ayaa maanta waxaa ay caawimo Hilib ah u qaybisay qoysas danyar ah oo ku nool xaafadda Daami ee degmadda Libaax, ee magaalada Hargeysa.

Caawimaddan oo loogu tallo galay munaasibadda Ciidul Adxa Awgeed, ayaa la gaadhsiiyay qoysas ay tiradoodu gaadhayso 500, oo qoys.

Waxaana qaybinta caawimadaasi ka qayb galay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mahdi Cismaan Buuri iyo masuuliyiin ka socday hay’adda caawimadda u qaabilsan dowladda Kuwait.

Wakiil ka socday dowladda Kuwait ayaa   sheegay inay deeqdan ugu talo galeen qoysaska danyarta ah ee xaafada Daami ku nool.

Wasiir ku xigeenka wasaarada wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, ayaa u mahadnaqay dowladda Kuwayd, waxaanu xusay   in deeqdani wax badan ka tarayso nolosha dadka ku nool xaafada Daami.

Leave a Reply