Mudane Guurtida ka Tirsan oo ka hadlay Badbaada Degaanka

0
138

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Xuseen oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay sidii looga nabaad’guurka Deegaanka   ku yimaada.

Xildhibaanku waxa uu ka codsaday  Masuuliyiinta Wasaarada Deegaanka in ay tallaabo adag ka qaado cidkasta oo ku hawlan jarista dhirta dadka iyo degaanka Manaafacaadka u leh.

Xildhibaan Cabdirisaaq waxa uu sheegay in jidadka ay sameeyaan gaadiidku ay qayb ka yihiin nabaadguurka degaanka, isla markaana ay keenaan Carro-guur, waxaanu guddoomiyayaasha gobollada dalka ka codsaday in arrimaha hormoodka u ah nabaadguurka dalka ay hoos u eegaan isla markaana ay ku dhiiradaan sidii ay wax uga qabanlahaayeen.

Dhinaca kalena, Xildhibaan Cabdirisaaq   waxa uu sharaxaad kooban uu ka bixiyey siyaabaha kala duwan beeraleyda dalku u qabsan karaan biyo roobaadka iyo sidii bulshadeena xoolo naqatada ahi u qodadan lahaayeen dhaamam biyood dadka iyo duunyaduba ku badbaadaan xiliyada abaartu dalka ka jirto.

Gaba’gabadiina, Xildhibaaku waxa uu masuuliyiinta wasaaradda horumarinta deegaanka iyo isbedelka cimillada JSL, ka dalbadey in ay talaabo ku habboon ka qaadaan dadka ku hawlan  dhuxuleysiga ee degaankii dhalanrogay.

 

Leave a Reply