Maamulka Goboka Togdheer iyo masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka JSL ayaa   si rasmiya u Daah-furay Seeraha Ban-cawl

0
181

Burco (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Togdheer   Maxamed Cabdillaahi Ibraahim iyo taliyaha qeybta booliska goboolka Togdheer   oo si wado jir ah u daah furey mashruucaas Ban-cawl  ayaa dadweynaha loo furey seerahaas Ban-cawl kula dardarmey  si nabadgalyo ah uga wado faa’iideystaan daaqaasi, iyagoo masuuliyiintu  utilmaamey bulshada xoolo dhaqatada ah in u siman yihiin seerahaas uwada daaqaan isla markaana cidina cid kale ka sheegan karin.

Isuduwaha wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada gobolka Togdheer Siciid Haybe iyo maamulaha wasaaradda deegaanka ee magaalada Burco Maxamed Ismaaciil, ayaa si wado jir ah uga waramay ahmiyadda mashruucani u leeyahay bulshada xoolo dhaqatada ah, waxaaney ugu baaqeen bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku nool gobolka iyo deegaanada hoos yimaada. in ay ka faaiideystaan mashruucaas.

Seerahaas Ban-cawl ayaa xidhnaa saddexdii bilood ugu dambeysay sannadkani, iyadoo lagu keydinaayey cawska xoolo dhaqatadu u baahan yihiin, si loo isticmaalo xiliga abaarta lagu jiro.

Geesta kale masuuliyiinta gobolka Togdheer waxay uga mahadceliyeen masuuliyinta wasaaradda horumarinta deegaanka iyo isbeddelka cilimalada Somaliland tacabka ay galiyeen seerahaas Ban-cawl oo ay muddo afar bilood ah ka shaqeynayeen bankaas, kuna soo tabceen nabaadka ka baxey.

 

 

Leave a Reply