Maareeyaha Hay’adda Madaaradda JSL ayaa Kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Burco.

0
242

Burco (Dawan) Maareeyaha Hay’adda duulista hawada iyo madaarada Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa kormeer shaqo ku tagay madaarka magaalada Burco ee xarunta gobolka Tog dheer.

Maareeyaha ayaa ujeedada socdaalkiisu ay la xidhiidha kormeerida iyo xog ogaal u noqoshada dib u habayn iyo dayactir lagu sameeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco sidii uu dib ugu hawlgalilahaa.

Maamulaha Madaarka Burco Cabdirisaaq Nuur Caraale ayaa sheegay in   madaarka ay ka ahawl galaan shaqaale tababar kusoo qaatay dalka Itoobiya, waxaanu intaa ku daray in madaarka laga hir galiyay isgaadhsiin casri ah oo lagula xidhiidho karo diyaaradaha ku jira hawada wadamda geeska Afrika, Waxaanu intaas raaciyay in dhabaha diyaaraduhu ka hadaan kana soo dagaan ee Madaarka Burco lagu kordhiyay 600 oo mitir kaas oo Garoonku aad ugu baahnaa.

Gaba’gabadii Maareeyaha hay’adda Duulista Iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi   ayaa sheegay in siyaasada hay’ada duulista iyo Madaarada dalku ay tahay in laga shaqaysiiyo guud ahaan garoonada diyaaradaha ee gobollada dalka oo dhan,  oo tijaabadii koowaad laga hir galiyay madaaraka magaalada Ceerigaabo.

 

 

Leave a Reply