Wareegga Koowaad ee Ololaha Cidhibtirka Cudurka Dabaysha ee Heer Qaran oo Gobolladda JSL oo Dhan ka Bilaabmay

0
168

Xubinta koowaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku sooqaadan doona wareega koowaad ee ololaha xannuunka dabaysha ee heer Qaran oo gobollada iyo degmooyinka dalka JSL, ka bilaabay.

Haddaba wasaaradda Horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  magaaladda Hargeysa ka daah furtay wareega koowaad ee ololaha cidhibtirka cudurka Dabaysha ee heer Qaran.

Talaalkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa laga fulin doona guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana munaasibadii lagu daah furaayey ololahan kasoo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xeergeeye, mas’uuliyiin ka socday hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO iyo Hay’adda UNICEF.

Waxa ugu horayn munaasibadii lagu daah furaayey talaalkan ka hadlay,kana waramay ahmiyadda talaalkan Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mahdi Daahir Bahdoon, waxaanu tilmaamay in  lagu guulaystay in hoos loo dhigo dhibaatadda xannuunka Dabaysha, isaga oo cadeeyey in ay tallaalkan ka shaqayn doonaan dad ay wasaaradda horumarinta Caafimaadku u tababartay tallaalkan iyo bixintiisa.

Geesta kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo hay’adda UNICEF, waxaanay shacabka usoo jeediyeen in ay ka faa’iidaystaan talaalkaasi mudada uu socdo.

Ugu dambayna agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xeergeeye ayaa sheegay in marxaladda la maraya ay tahay marxalad dabar-goyn ah, madaama oo sannadihii u dambeeyey aan Jamhuuriyadda Somaliland lagu arag xannuunkan,  sidoo kale waxa uu tilmaamay in talaalkan ay ka qayb qaadanayaan 2600 oo kooxood in ka badan, iyada oo la doonaayo in talaalkani gaadho carruur tiradoodu ku dhow dahay hal milyan oo carruur ah.

 

 

 

Leave a Reply