Muxuu Yahay Habka Ugu Wanaagsan ee Musiibooyinka Dabiiciga ah Loo Maamuli Maraa?

0
278

Musiibooyinka dabiiciga ah waxay ka mid yihiin waxyaabaha inta badan soo noq noqda, iyadoo aan laga diyaar garroobin.

Hadaba muuxuu yahay habka ugu wanaagsan ee looga hor tegi karo, ama looga gaashaaman karo musiivooyinka dabiiciga ah.

Arrimahaasi waxaa sharaxaya isla su’aashaasina ka jawaabaya agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale.

Kadib tababar uu 17-kii bishan June, ka furmay magaaladda Hargaysa. Tababarkaasi oo ku saabsanaa maaraynka masiibooyinka dabiiciga ah.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in habka ugu wanaagsan ee wax lagaga qaban karro masiibooyinka dabiiciga ah ay tahay in qorshe laga yeesho.

Agaasimuhu waxa uu tilmaamay in doorka ay ku leeyihiin goleyaasha sharci dejintu wax ka qabashadda arrimaha deegaanka, iyo khayraadka dabiiciga ah in ay diyaarin sharciyadii hawlahaasi lagu waajihi lahaa.

Kulankaasi oo ka qabsoomay caasimadda Hargaysa, waxaa soo qaban qaabisay haayadda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah, iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda JSL, goleyaasha deegaanka dalka qaarkood.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay xubno ka socday ururadda maxaliga ah, iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka.

Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaa ka Somaliland oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay siyaabaha lagaga gaashaamanka karro masiibooyinka dabiiciga ah.

Waxaanu sheegay in habka ugu wanaagsan ee wax lagaga qaban karro masiibooyinka dabiiciga ah ay tahay in qorshe laga yeesho.

Agaasimuhu waxa uu tilmaamay in doorka ay ku leeyihiin goleyaasha sharci dejintu wax ka qabashadda arrimaha deegaanka, iyo khayraadka dabiiciga ah in ay diyaarin shuruucdii lagu ilaalin lahaa.

“Wax waliba waxay ka soo bilaabmaan siyaasadda. Idinka na waxaa muhiim ah inaad fahamtaan doorkiina shaqo, ama sharci ee idinkaga aadan, bal in aynu yeelano sidii looga hor tegi lahaa musiibooyinka dabiiciga ah.

Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladu, waxay wada shaqayn dhaw la leedahay haayadda NEDFOR, oo shaqooyin badan u qabata qaranka.  Sidoo kale dawladaha hoose ee dalka, oo ay caasimadda Hargaysa koow ka tahay”.

“Afar qodob ayuun baan is dul taagi lahaa. Haddii la doonayo doorka shaqo ee xildhibaanadda habkii loo maamuli lahaa markay dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah.

Habka ugu wanaagsan ee musiibooyinka dabiiciga ah, loo maamuli karaa waa inuu marka hore deraasad ka sameeyo, waana inuu jiro qorshe. Marka qorshaha la hello, waxaa iya na imanaysa didee baa la iskugu xidhi karaa doorka ugu sareeya.

Qodobka afraad ee isna meesha ku jira, oo u baahan inaad dhugataan, waxa weeye sidee baa si toos ah, oo midho dhal ah, golaha deegaanku ula shaqayn karaa bulshadii soo dooratay.

Waayo? Waxan aan ka hadlaynaa waa dhibaatooyin ku imanaya bulshadeenii. Waxaa la sheegaa in dhibaatadda”.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanku waxa uu ka hadlay in dhulkeena ay ka muuqato saamaynta uu isbedelka cimiladu ku yeeshay, isla markaana ay Dooxyo badani samaysmeen.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Inaga dhulkeenu waa buurraley, waxaanad moodaa in Dooxyadii ay meel walba jiidhayaan, oo meel waliba waxay noqotay Dooxyo”.

Ugu dambayn Maxamed C/laahi Ducaale ayaa u mahad celiyay ururka ay ku midaysan yihiin dawladaha hoose ee dalka, iyo haayadda AL-GASAL.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa haayadda Al-Gasal, iyo TNG, iyo dawladaha hoose ee sameeyay golahan.

Waxaanan idiin rejaynayaa inaad doorkiina fahamtaan. Anagu wasaarad ahaan mar walba diyaar ayaanu idiin nahay, in aanu idin la shaqayno, wixii doorkayaga ku aadan” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland waxa uu sharaxay hanaanka ugu haboon ee looga gaashaaman karro masiibooyinka dabiiciga ah.

Leave a Reply