Gudida Doorashooyinka Qaranka oo la Kulmay Madaxdhaqameedka Dalka

0
244

Hargeysa (Dawan) Guddida doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo maalmihi u danbeeyay waday kulamo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, ayaa shalay kulan la yeeshay madaxda dhaqanka Somaliland.

Guddida doorashooyinka Qaranka ayaa shalay kulan la qaatay madax dhaqameedka dalka, kulankaas ayaa intii uu socday waxa ay Koomishanku madax dhaqameedka ka codsadeen in ay arrimaha doorashooyinka ugu duceeyaan in ILLAAHEY u fududeeyo qabashadooda.

Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa toddobaadyadii u danbeeyay kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxda saddexda xisbi Qaran iyo ururadda siyaasadda ee Somaliland, ururrada bulshada rayidka ah ee ka jira Somaliland.

Kulamadaasi oo ay xubnaha komishanka doorashooyinku masuuliyiintaasi kala duwan xarumahoodda kula yeesheen ayay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha doorashooyinka dalka ku soo foolka leh.

Kulamadan koomishanku ugu talo badsanayaan ayaa yimid Kadib markii uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland dib ugu celiyay waraaq codsi ahayd oo ay kaga dalbanayeen in maxkamadda sare ay tafsiir sharci ka soo bixiso ta soo horaynaysa doorashooyinka madaxtooyadda, iyo ta ururadda siyaasadda.

 

Leave a Reply