Siyaasiga Axmed Digaale oo Madaxda Dhaqanka ugu Baaqay inay Faraha Kala Baxaan Arrimaha Siyaasada

0
233

Hargeysa (Dawan)- Siyaasiga Axmed Cabdale Digaale oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa u soo jeediyay Madaxdhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland in ay faraha kala baxaan arimaha Siyaasada ee ay faro-galinta ku hayaan.

Siyaasi Axmed Cabdale Digaale oo shalay u waramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in madaxda dhaqanka aanay shaqadooda ahayn in Madaxdhaqameedka soo farogaliyaan arimaha Siyaasada, waxaana uu intaasi ku daray in aanay jirin cid ka saraysa sharciga dalka u yaala.

Axmed Cabdale oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan khalad u arkaa in Madaxdhaqameedka Somaliland ay Siyaasada soo farogaliyaan, dhaqanka iyo Siyaasadu isma soo galaan,s harcigana cid ka saraysaa ma jirto”.

Axmed Cabdale ayaa waxa uu tilmaamay in looga baahanyahay in ay shaqadooda qabsadaan Koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaanu yidhi “Masuuliyad ayaa saaran Koomishanka doorashooyinka qaranka, waxaana loo baahanyahay in Koomishanka Doorashooyinku shaqadiisa qabsado oo ka soo baxaan, waana in Koomishanka Doorashooyinka shuruucda dalka u taala raaco, waana in uu ku dhawaaqo Koomishanka doorashooyinku qabashada Doorashada Ururada Siyaasada”.

Sidoo kale, Axmed Cabdale ayaa waxa uu tilmaamay in liisankii uu ka dhacay Saddexda xisbi, waxaana uu yidhi “Saddexda xisbi liisankii wuu ka dhacay, sharciga cid ka saraysaana ma jirto sharciga doorashada la qabanayaana waa tii Ururada Siyaasada.

 

Leave a Reply