Duqa Caasimada oo markii u horraysay Haweenay u magacaabay Guddoomiye Degmo

0
144

Hargeysa (Dawan) Duqa caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge ayaa markii u horraysay taariikhda haweenay u magacaabay guddoomiye degmo.

Cabdikariim Axmed Mooge maayirka magaalada Hargeysa ayaa Marwo Ismahaan Axmed Cabdi u magacaabay guddoomiyaha cusub ee Degmada 26-juun ee Magaalada Hargeysa.

Marwo Ismahaan oo warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa ayaa duqa caasimada uga mahadcelisay xilka uu u magacaabay, waxaanay sheegtay in ay ka soo bilowday shaqada meel hoose maantana ALLE u suuragaliyay inay noqoto guddoomiye degmo.

Waxaaney tidhi.“Waanku faraxsanahay xilka la ii magacaabay, waxaan ahaan jiray xoghayaha degmada 26-ka June, maantana waxaan ahay guddoomiyihii degmada 26-ka June, ILLAAHEY ayaa mahad leh ii suuragaliyay.

Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, wuu ku mahadsan yahay xilka guddoomiyenimo ee uu ii magacaabay.

Haweenku way u baahan yihiin in kor loo qaado, la dhiirigeliyo, isla markaana halka ay taagan yihiin kor looga qaado”

 

Leave a Reply